Intee la egyahay Khasaaraha Ciidanka DFS kasoo gaarey dagaalka Sabiid iyo Caanoole?

Image

MUQDISHO – Afar askari oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay, toddobana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii weerar culus oo ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaaday deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay ka hortageen weerar Al-Shabaab ah oo ka dhacay deegaanada Sabiib iyo Canoole, halkaas oo ay ku dileen 18 dagaalyahan oo ka tirsan kooxdaasi.

“Ciidamada qaranka oo ahaayeen kuwa feejigan, si degdeg ah oo hufanna uga falceliyey weerarka, waxay si guul leh u joojiyey isku daygii Al-Shabaab ay ku doonayeen inay deegaannada soo galaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in hawlgallo daba-gal ah ay weli socdaan si loo soo qabto dagaalyahanada Al-Shabaab ee kale.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in afar askari oo katirsan ciidanka dowladda ay ku dhinteen howlgalkii, halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Soomaaliyeed ay heleen taageero muhiim ah oo dhinaca cirka ah oo ay ka heleen la-hawlgalayaasha amniga ee caalamiga ah, taas oo si weyn u waxyeeleysay Al-Shabaab.

Tan iyo markii dagaallo culus ay ka dhaceen gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan tuulooyinka Anole iyo Sabid, oo ciidanka dowladda iyo AUSSOM ay dib u qabsadeen bilihii u dambeeyay, gobolka ayaa mar kale loo arkayaa mid ka mid ah meelaha istiraatiijiga ah ee muhiimka u ah ammaanka dalka.

Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya muddo ka badan 16 sano, ayaa si joogto ah u weerarta ciidamada ammaanka, mas’uuliyiinta, iyo dadka rayidka ah ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM