Silvia Romano oo horey ay Al-Shabaab u qafaalatay oo lasii daayey

Image

ROMA, Italy – Haweenaydii arrimaha samafalka ka shaqeyneysay ee Silvia Constanca Romano taasoo dabley aan la aqoonsan ay waqooyi barri Kenya ka qafaasheen November, 2018, ayaa lasii daayey.

Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey sii deynta Romano. Wallow uusan bixin tafaasiil dheeraad ah, haddana wuxuu u mahadceliyey sirdoonka waddankiisa.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lala xiriiriyey qafaalashadda Ms Romano oo ahayd maamulaha African Milele Onlus, oo ah hay'ad aan dowli ahayn oo ka howlgasha qaar kamid ah dalalka qaaradda.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warantay in haweenayda ay haatan ku sugan tahay Muqdisho isla markaana soo deynteeda ay iska kaashadeen mukhaabaraadka Soomaaliya, Turkiga iyo Italy.

Illaa iyo haatan, ma cadda qaabka ay ku timid sii deynta 23-sano jirtaan horey loo wariyey in loosoo wareejiyey koonfurta Soomaaliya gaar ahaan degaanadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa horey u codsaday aduun dhan 5 milyan oo Doolar oo madax furasho ah si ay u soo daayaan Silvia Constanca Romano, balse waxaa ka hor-timid Kenya.

Al-Shabaab ayaa afduub kula kacda wariyeyaasha, samafalayaasha iyo shaqsiyaad kale oo ay bartilmaameedsadaan ee ajnabiga ah si ay uga helaan lacag madax-furasho ah, waxayna u tahay il-dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM