Silvia Romano oo lagu waramay in ay qaadatay Diinta Islaamka

Image

ROMA, Italy – Silvia Romano, haweenaydii arrimaha samafalka ka shaqeyneysay ee bishii November, 2018 laga soo afduubtay koonfur-bari Kenya lana soo daayey shalay, ayaa qaadatay diinta Islaamka.

Wakaaladda wararka u faafisa Talyaaniga ee magaceeda loosoo gaabiyo ANSA ayaa sidaas ku warantay, iyaddoo soo xiganeysa warbixino dhanka sirdoonka ah, oo xaqiijiyey in aan lagu qasbin.

Dabley la aaminsan yahay in ay gacansaar la leeyihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lasoo wariyey in ay qaybo kamid ah Soomaaliya ku haysteen muddo 18 bilood ah.

Romano oo Axadii dib ugu laabatay dalkeeda hooyo ayaa waxaa soo dhaweeyay madax, qoyskeeda iyo shacab wayne aad u balaaran.

Warbixinadda ayaa waxay intaas ku darayaan in ay bedeshay hab-nololeedkeeda iyo magaceeda. Sidoo kale, ay ku qanacday in ay Islaamto markii ay akhrisatay Qur’aanka Kariimka.

"Baareyaasha waxay u sheegtay in arrimahaan oo idil ay kala hadli doonto qoyskeeda, kadibna ay tafaasiil dheeri ah bixin doonto," ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay wakaaladda ANSA.

Sawirro laga soo qaadey markii ay ka degtay garoonka diyaaradaha Roma ayaa muujiyey iyaddoo madaxeeda uu xijaaban yahay. Warbaahinta Talyaaniga waxay warineysaa in xitaa la guursaday.

Jariiradaha qaarkood oo soo xiganaya illo wareedyo kala duwan oo aysan magacaabin ayaa daabacay "in ay leedahay Uur bilooyin ah".

Haweenaydan ayaa waxay madax u tahay hay'adda gargaarka ee Africa Milele, taas oo howlo bini'aadantinimo ka fulisa qaar kamid ah wadamadda Afrika, wallow ay ahmiyadda koowaad siiyaan gudaha Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM