Sirdoonka dalalka Soomaaliya iyo Nigeria oo heshiisyo kala saxiixday

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Sirdoonka waddanka Nigeria oo booqasho lama maalmood ah ku yimid Muqdisho, caasimada Soomaaliya, ayaa wuxuu la kulmay dhigiisa, sidda laga soo xigtay warar xog ogaal ah.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Axmed Abubakar Rufaaci ayaa shirkooda gaarka ah ku lafa guray arrimaha mukhaabaraadka.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya, laba mas'uul ayaa qalinka ku wada duugay is-afgarad iyo heshiisyo dhanka sirdoonka ah.

"…waxayna kala saxiixdeen isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal," ayaa lagu yiri qoraalka oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA oo lagu soo bandhigin sawirada.

War-saxaafadeedka kooban ayaa sidoo kale waxaa nan lagu fahfaahin arrimaha ay iskaashiga iyo wadashaqeynta ka yeelaayaan.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa qeexaya in ay kamid yihiin qodobada ay isla meel-dhigeen is-weedaarsiga macluumaadka argagixisadda.

Bishii September ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii Agaasimaha Sirdoonka Angola, José Luís Caetano Higino de Sousa, uu socdaal ku yimid Muqdisho, isaga kala xaajoodey Fahad isdhaafsiga khibradaha.

Macluumaadyo laga helay kulankooda ayaa tilmaamaya in Fahad Yaasiin Daahir lagu wareejiyey xogo dheeri oo ku saabsan shaqsigii ka dambeeyay qaraxii ka dhex-dhacay Daalle Airlines, kaas oo burbur sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiinta Ajnabiga gaarsiiyay Fariin ku saabsan qorshihiisa doorashadda

Wadahadalladan ayaa yimid xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, kadib kulan kale oo 5-tii Luulyo ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 05:37PM

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM