Sirdoonka Soomaaliya oo soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay soo bandhigtay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

NISA oo qoraal kooban ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa xustay in lasoo qabtay ninkan isaga oo doonayey in uu tuuro Bam-gacmeed.

Qoraalka oo lasoo raaciyey sawirka ruuxaan ayaa waxaanan lagu carabaabin magaciisa, halka laga soo xiray iy qaabka loosoo qabtay.

"…waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka," ayay tiri hay'adda. "Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh".

Bishii hore ee November, 23-keeda, ayay ahayd markii NISA ay soo bandhigtey nin magaciisa ku sheegay Xudeyfa oo ku eedeysan qarax.

Qaraxaas oo ka dhacay isgoyska Soobe ee Muqdisho ayaa waxaa ka badbaaday nin la sheegay in uu ka shaqeeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkaas, hase ahaatee, laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM