Siyaasadda dowladda Farmaajo ee arrimaha gudaha oo la dhaliilay

Image

WASHINGTON - Professor Cabdi Ismaaciil Samatar, oo kamid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed, bare-na ka ah Jaamacad ku taalla Mareykanka ayaa ka hadlay isbedelka ka socda Geeska Africa iyo doorka dowladda Somalia.

Isagoo la hadlayay BBC, Prof. Cabdi ayaa sheegay in Khilaafka gudaha Somalia marka hore looga baahan yahay dowladda Federaalka inay xaliso kahor inta aysan dhex-dhexaadin Eritrea iyo Jabuuti.

"Dalka Soomaaliya waxaan ka baqayaa inuu ka haro Isbedelka gobolka, waayo isaga gudihiisa ayaa khilaafyo badan iyo kala qoob-qoobnaan ka jiraan," ayuu yiri Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Professor-ka ayaa daboolka ka qaadey in Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaisa Afwerki ay kasoo shaqeeyeen dhibaatooyinka gudaha dalalkooda, kadibna ay usoo jeesteen nabada gobolka.

Wuxuu sheegay in madaxda Soomaaliya ay la gudboon tahay inay hurdada ka kacaan, islamarkaana la jaan qaadaan himilada iskaashiga iyo isbedelka uu hormuudka u yahay Abiy Axmed oo la doortay April, 2018.

Samatar ayaa xusay in meesha dhibka ugu weyn uu ka jiri ay tahay Muqdisho, oo dowladda fadhisa uu khilaaf kala dhaxeeyo maamul goboleedyada dalka, oo hogaamiye-yaashooda ku shiraya Kismaayo.

Ma ahan ayuu yiri Prof. Samatar inay dowladda ku mashquusho oo waqti badan ku bixiso arrimaha dhexdhexaadinta dibadda, balse looga baahan yahay in gudaha dalka mashaakilka ka taagan xal u raadiso.

Xaaladda Soomaaliya ayaa jawhareer siyaasadeed iyo khilaaf ay ka jiraan, iyadoo arrimahan waxba laga qaban ay keenyso dalka inuusanka bixin dhibaatooyinkii uu kusoo jiray 20-kaii sano ee lasoo dhaafay.

Hadalka Samatar ayaa kusoo beegmaya xilli wafdi saddex geesood ah ay Farmaajo, Afwerki iyo Abiy ay u magaacaabeen gudi kaasoo ka shaqeynaya inuu dhex-dhexaadiyo Eritrea iyo Jabuuti.

Si kastaba, dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa xilligan wajahaysa caqabado badan, oo amniga ugu horeeyo, waxaana uu khilaaf xoog leh kala dhaxeeyaa qaar kamid ah maamul goboleedyada wadanka.

Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa kulankooda Kismaayo u maraya heer-gabo-gabo ah, iyagoo diyaarinaya war-murtiyeedka kulankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM