Sohdinta ugu muhiimsan ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo la xiray

Image

NAIROBI, Kenya – Qeybta ugu muhiimsan ee xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa gebi ahaanba la xiray, sidda uu qoray wargeyska Standard.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa talaabadaan oo xukuumadda Nairobi aysan si furan ugu sheegin dadweynaha.

Xirnaanshiyaha xuduudka waxaa la tilmaamay in lagu soo qaadey kulan uu Uhuru Kenyatta la yeeshay hogaamiyeyaasha gobolka waqooyi Bari.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay qaabka loosoo afjaro karo amni daradda iyo duulaanada xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Kenyatta ayaa la tilmaamay in uu hoosta ka xariiqay in xirnaanshiyaha ay suurtagelin karto in Kenya ay ka nabad-gasho weerarada Al-Shabaab.

"Ciidamadeenu waxay xireen xadka ugu muhiimsan ee Kenya iyo Soomaaliya…mana jiri doono wixii haatan ka dambeeya weeraro ay argagixisada Al-Shabaab kusoo qaado Kenya," ayuu raaciyey.

Sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee Kenya, Kenyatta ayaa tibaaxay in xalka weeraradda Al-Shabaab uu saameyn ku yeeshay beenta uu hogaanka u sheego dadweynaha.

Tan iyo markii ay ciidamadeeda kamid noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Kenya waxay la daalaadhaceysa iska caabinta Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM