Qodob cusub oo lagu soo daray war-murtiyeedka shirkii Jabuuti

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa lasoo saarey war-murtiyeedkii wadajir ee rasmiga ahaa ee shirkii Jabuuti ku dhexmaray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Bayaankaan waxaa lagu soo daray qodob aan ku jirin warkii kasoo baxay shirka markii lasoo afjaray shan maalmood kahor.

Qodobkaas ayaa wuxuu yahay in aan la siyaasadeyn isu socodka dhinacyada ee dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga.

Balse waxaa gabi ahaanba meesha laga saarey in ay isku gudbaan siyaasiyiinta Muqdisho iyo Hargeysa, arrintaas oo kamid ahayd qodobadii leysku mari-waayey mudadii wadahadaladu ay socdeen.

"Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka xalay kasoo baxay shirka Jabuuti.

Is-faham-waaga ka dhashay qodobkaan ayaa qarka u saarey shirka in uu burburo, hase ahaatee, waxaa xaalada dejiyey Jabuuti iyo Mareykanka.

Dhanka kale, qoraalka waxaa lagu caddeeyay in shirka u 45-casho kadib dib uga bilaaban doono isla Jabuuti si loosii waddo wada-xaajoodyadda "si aakhiritaanka loo helo nooca xiriirka dowladda iyo Somalilad".

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo maaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa soo qaban-qaabiyey wadahadaladda oo uu korjoogto ka ahaa Mareykanka, xilli dunida ay sheeda sarre kala socotay.

BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM