Somaliland oo laga dalbaday "in aysan xisbiyada u dhabar-jabin Farmaajo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Senator Mustafe Qodax oo ka tirsan Golaha Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxda Somaliland aysan xisbiyadda siyaasadda "u dhabar-jabin" madaxweyne Farmaajo.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadaya xilli lagu waddo in madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay ku yeeshaan Jabuuti shir uu soo qaban-qaabiyey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa yeelanaya kulankaan xilli ay wajahayaan cadaadis uga imaanaya xisbiyadda mucaaraadka oo doonaya in ay waqtigooda ku dhacaan doorashooyinka kusoo fool leh.

Doorashadda madaxtooyadda iyo baarlamaanka ee Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod ayaa shaki la gelinayaan ay dhaceyso.

Coddeynta goleyasha degaanka iyo baarlamaanka ee Somaliland oo baaqdey lixdii sano ee lasoo dhaafay ayaa la tuhmayaa hadii ay dhaceyso sanadkan.

Xisbiyadda mucaaradka Somaliland ayaa ku kala qeybsamay shirka; Waddani wuu soo dhaweeyay, halka UCID uu gabi ahaanba kasoo horjeestay.

"Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixi lahaa," ayuu yiri Qodax.

Mudanaha ayaa hadalkiisa wuxuu intaas ku daray: "Looma baahna inay Somaliland dhabar jabiso mucaaradka Soomaaliya iyo Ummada Soomaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxaan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay Somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumadda Soomaaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.

"Ka sakow muddo xileedka dawlada Soomaaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adag tahay inuu ka baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto," ayuu hadalkiisa kusoo koobay sharci-dejiyaha.

Indhaha Soomaalida ayaa kusii jeeda Jabuuti, iyagoo ka war-sugaya natiijadda kasoo bixi doonta shir-madaxeedkaas oo noqonaya midkii labaad ee dhexmara Farmaajo iyo Muuse Biixi tan iyo markii ay xafiiska la wareegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM