Xubin katirsan Daacish oo maxkamad lagu soo taagey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadeynta nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inuu katirsan yahay Daacish ayaa maanta oo Khamiis ah lagu soo afjaray magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.

Maxamed Cali Maxamed (Abuu Hureyra) ayaa Daacish ugu biiray buuralayda Golis, ee gobolka Bari, oo Kooxda lagu aas-aasay 2015.

Kadib tababar lasoo siiyay, ayay Daacish isaga iyo xubno kale usoo dirtay Muqdisho si ay dilal uga fuliyaan.

Maxkamada darajada 1aad ee ciidanka qalabka sida ayaa sheegtay in Maxamed uu Suuqa Siinaay ee degmada Wardhigleey ku dilay 5-tii August, 2019 askari katirsanaa ciidanka canshuuraha kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Dhuxulow.

Eedeysanaha ayaa diiday falka dilka ee lagu soo eedeeyay, isagoo ku doodey inuu geystay nin la socday oo uu magaciisa ku sheegay Xuseen, kaasoo baxsaday. 

Ciidanka amniga ayaa soo xiray Maxamed iyadoo uu bastoolad ku hubeysan yahay kadib dilka, wuxuuna ku dhaawacmay is-rasaaseyn isaga iyo booliska goobta ku dhexmartay.

"Intii lagu guda jiray howlgalka lagu soo qabtay waxaa dhaawacyo ay kasoo gaareen gacanta iyo lugta kadib markii uu la dagaalamay laamaha ammaanka," ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda.

Ugu dambeyntii, Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamada Ciidamadda, oo fadhiga soo xiray, ayaa tilmaamay in ay go'aan kasoo saari doonan kiiska, wallow uusan shaacin waqtiga uu soo bixi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM