Mas'uul katirsanaa xafiiska Khayre oo ku dhintay burbur diyaaradeed

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Nin Soomaali ahaa oo lagu magacaabayey Shahaad Cabdishakuur ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee maanta ka dhacay duleedka caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Ninkan ayaa ahaa sarkaal katirsan qeybta Borotakoolka Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Wararka ayaa sheegaya in Gabar kale oo Soomaali ah, balse haysatay dhalashada dalka Canada ayaa ku jirta dadka geeriyoodey.

Diyaaradda soo dhacday oo ay lahayd shirkada Ethiopian Airlines ayaa kusii jeeda magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

War-saxaafadeed ay shirkaddu soo saartay ayay kusoo bandhigtay dalalka ay kasoo jeeda rakaabkii diyaaradda oo gebigooda ku geeriyooday shilka kuwaasoo wadar ahaan 33 dal kasoo kala jeeda.

Bayaanka ayaa nan lagu xusin in uu qof Soomaali ah ku dhintay burburka diyaaradeed oo ka dhacay meel 60 KM u jirta Addis Ababa.

Dalalka ay kasoo jeeda iyo tirada ayaa kala ah; 32 Kenyaan ah, 18 u dhalatay Canada, 9 Itoobiyaan ah, 8 u dhashay China, 8 u dhalatay Italy, 8 Ameerikaan ah, 7 Faransiis ah, 7 British ah, 6 Masaari ah, 5 u dhalatay Netherlands iyo 4 ku safreysay Passprot-ka Qaramada Midoobay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya Marxuum Cabdishakuur uu kamid ahaa masuuliyiinta xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, wallow aanu wali jirin war illaa iyo haatan kasoo baxay xukuumadda.

Hogaamiyaasha Itoobiya, Kenya, qaar kamid ah madaxda Midowga Afrika u fadhiya Addis Ababa iyo beesha caalamka ayaa tacsiyo u diray helada dadkii ku dhintay shilkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM