Soomaali laga cabsi qabo in ay ku dhinteen Doon ku degtay Talyaaniga

Image

ROMA, Italy – Meydadka shan muhaajiriin oo ku dhintay Doon ku qalibmatay xeebaha Lampedusa todobaad kahor ayaa la helay, sidda a sheegeen ilaalada xeebaha Talyaaniga. Tiraddan waxay geerida ka dhigeysaa 18.

Doonta oo dadka laga soo badbaadiyey ay ka yimaadeen Libya ayaa waxaa sababta keentay in ay rogmatay lagu sheegay cimiladda oo xumeyd. Wadarta guud ee la socotay waxaa lagu sheegay 170 rakaab ahaa.

Ilaaladda xeebaha Lampedusa ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan 147 kamid ah muhaajiriintii saarnaa Doonta.

"Kaliya waxaan awoodnaa in aan ka aamusno geerida," sidaas waxaa laga soo xigtay Totò Martello oo ah duqa Lampedusa.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in ay baaritaan baaxad leh ku sameyn doonan dhacdadaan si loo maxkamadeeyo Magafeyaasha.

"Waxaanu awoodnaa in aan meydadka kasoo badbaadino badda, maxaa yeelay iyagaa goostay in ay soo raacaan, waxaanu isu dhiibay aamusnaanta iyo kala duwananashiyaha," ayuu cadeeyay.

Iyadda oo badi dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ay kasoo jeedaan Tunisia, Algeria iyo Pakistan, waxaa jirtay cabsi ah in ay Soomaali kamid yihiin, maadaama aagaas horey looga soo wariyey arrintaas.

Sidda laga soo xigtay Hay'adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta, in ka badan 1,100 muhaajiriin ah ayaa kaliya sanadkan 2019-ka waxay ku naf-waayeen qaar kalena lagu la'yahay biyahan markii ay soo mareen Mediterranean.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM