Soomaali uu Coronavirus ku xayiray Kenya oo lagu celiyey Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii afaraad waxay magaladda Muqdisho kusoo celisay muwaadiniin ay sheegtay in uu Coronavirus ku xayiray caasimadda Kenya ee Nairobi.

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa lagu waramay in ay fududeysay soo laabashadda muwaadiniinta, kuwaas oo iyaga iska bixiyey lacagta diyaaradda soo qaadey oo ah mid si gaar ah loo leeyahay.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada xukuumadda federaalka, ayaa farxad ka muujiyey talaabadan.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in ay dalka kusoo laabtaan muwaadiniin kale oo wadamo kale ku xayiran.

Turkiga ayaa kamid ah meelaha Soomaalida uu Covid-19 ku go'doomiyey, waxaana bilooyinkii lasoo dhaafay socday daad-gureyntooda.

"Waxaa maanta garoonka AAIA soo gaaray muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa waddanka Kenya. Waxaa sidoo kale goor dhow waddanka ku soo laaban doona muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran waddamo kale," ayuu kusoo qoray barta uu ku leeyahay mareegh Facebook-ga.

Safmarka Covid-19 ayaa kala xiray isu socodka caalamka, waxaana ugu wacan xayiraadda la saarey duulimaadyadda aduunka oo aan wali si rasmi ah loo qaadin sabab ku aadan cabsida wali laga qabo xanuunka faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM