Soomaalida Koonfur Afrika oo la faray in ay ka feejignaadan rabshadaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saacado kadib warbixintii warsidaha Garowe Online, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay weerarada shisheeye naceybka ee Koonfur Afrika.

Ajaaniibta lagu beegsanayo weeraradaas ayaa waxaa kamid ah Soomaalida oo dalkaasi ku leh ganacsi, kuwaasi oo qaarkood boob baahsan lagula kacay, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Xukuumadda Muqdisho oo "hesha ku haysa" rabshadaha wadankaasi ka dhacaya ayaa waxay "ka xun tahay falalka boobka iyo barakicinta ah ee loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ganacsigooda".

"[Muwaadiniinteena] deggan dalka South Africa [waa] in ay feejignaan iyo taxadar dheeri ah muujiyaan hadba wixii soo kordhana lawadaagaan safaaradda Soomaaliya dalka South Afrika," ayey tiri xukuumadda.

Inta la xaqiijiyey shan ruux ayaa ku naf-waayey qulqulatooyinkan oo kusii baahaya magaalooyin kala duwan oo wadankaas ah, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale.

Booliska ayaa shaaciyey in ay u soo qabqabteen dhacdooyinka in ka badan 40 ruux, kuwaasi oo aysan kala caddeyn hadii maxkamad loosoo taagi doono arrimahaasi.

Soomaalida ayaa waxay kamid yihiin Jaaliyadaha ugu badan ee wax ka degan Koonfur Afrika, halkaasi oo ay ku leeyihiin ganacsiyo waaweyn, halka qaarkood ay ku joogan qaxooti ahaan iyo waxbarasho.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM