Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Kooxda Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa sameystay iskaashi sii xoogeysanaya oo ku saabsan kala iibsiga hubka, tababarka dagaalyahannada iyo farsamada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida lagu sheegay warbixin baaritaan ah oo uu daabacay wargeyska The Wall Street Journal.

Warbixinta ayaa sheegtay in Jibriil Yaxye Cali, oo ahaa Soomaali lagu naanaysi jiray “Gacaamey,” uu muddo sanado ah ahaa xiriiriyaha labada kooxood, isaga oo hubka Xuutiyiinta ka soo iibin jiray Yemen una gudbin jiray Al-Shabaab.

Jibriil ayaa 12-kii Febraayo lagu dilay weerar gantaal oo ka dhacay meel u dhow magaalada Al-Ghaydah ee bariga Yemen, xilli isaga iyo xaaskiisa cusub ay baabuur ku marayeen xeebta.

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka. Hase yeeshee, Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka, CENTCOM, wuxuu sheegay inuusan ahayn hawlgal milatari, halka CIA-du aysan caddeyn inay ka dambeysay dilka.

Jibriil, oo 38 jir ahaa, wuxuu caafimaadka xoolaha ku bartay Yemen. Wuxuu Muqdisho ka maamuli jiray hay’ad samafal, xarun sarifka lacagaha iyo shirkad soo dejin iyo dhoofin ah.

Sida warbixinta lagu sheegay, Xuutiyiintu waxay Jibriil siiyeen guri qalabaysan oo ku yaalla Sanca iyo baasaboor Yemen ah oo magac kale ku qoran. Wuxuu sidoo kale ka qayb geli jiray munaasabadaha rasmiga ah ee kooxda.

Qiimeyn gudaha ah oo ay diyaarisay Hay’adda La-dagaallanka Argagixisada Yemen ayaa Jibriil ku tilmaantay shaqsi muhiim u ahaa xoojinta xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, gaar ahaan gudbinta hubka, qalabka milatari iyo khibradaha farsamo.

Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa ka kala tirsan kooxo diimeed oo taariikh ahaan iska soo horjeeday, laakiin waxaa hadda mideeyey cadaawadda ay u qabaan Maraykanka iyo Israa’iil, sida ay saraakiil Soomaali, Maraykan iyo Yemeni ahi u sheegeen WSJ.

Iskaashiga ayaa labada dhinacba faa’iido u leh. Al-Shabaab waxay haysataa dhaqaale badan, balse waxay doonaysaa hub casri ah iyo tababar. Xuutiyiintuna waxay haystaan gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo khibrad farsamo, laakiin waxay raadinayaan lacag iyo inay hawlgalladooda ku ballaariyaan dhinaca koonfureed ee Gacanka Cadmeed.

Sannadkii 2024, Al-Shabaab ayaa Yemen u dirtay Sheekh Axmed Cilmi Samatar, kaas oo Xuutiyiinta u gudbiyey liis hub oo ay ku jireen gantaallada lidka diyaaradaha, Katyusha, qoryaha meelaha fog wax ka dila, drones-ka weerarka, gantaallada lidka taangiyada iyo qalabka habeenkii wax lagu arko.

Mas’uuliyiinta Yemen ayaa Samatar qabtay Janaayo 2025, balse markii dambe waxaa lagu sii daayey maxaabiis ay dowladda Yemen iyo Xuutiyiintu is-weydaarsadeen. Wuxuu dib ugu laabtay Soomaaliya, halka Jibriil uu sii waday hawlaha Al-Shabaab ee Yemen.

Kaddib dilkii Jibriil, Al-Shabaab ayaa magacowday qof kale oo beddela, taas oo muujinaysa in iskaashiga labada kooxood uu weli socdo, sida uu sheegay Matt Bryden, oo hore uga tirsanaa khubarada Qaramada Midoobay ee dabageli jiray hubka Soomaaliya.

Hubka ayaa la sheegay in shirkado ganacsi oo magac-u-yaal ah looga raro dekedaha Yemen, laguna soo gudbiyo doonyo dheereeya ama maraakiib kalluumeysi. Waxaa lagala degaa qaybo ka mid ah xeebaha waqooyiga Soomaaliya, kaddibna waxaa loo gudbiyaa dagaalyahannada Al-Shabaab ee koonfurta dalka.

Bishii Abriil 2025, ciidamada Maraykanka ayaa burburiyey laba doon oo aan calan sidin oo ka yimid Yemen kuna soo socday biyaha Soomaaliya. AFRICOM ayaa sheegay in doonyahaasi sideen hub casri ah.

Weli ma cadda noocyada hubka ku jiray liiska Al-Shabaab ee dhab ahaan Soomaaliya soo gaaray. Saraakiisha Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa si gaar ah uga walaacsan in kooxdu hesho drones weerar qaada ama gantaallo ay ku bartilmaameedsan karto saldhigyada ciidamada.

Warbixinta WSJ ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 100 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah loo diray Yemen si loogu tababaro samaynta qaraxyada, adeegsiga hubka lidka diyaaradaha iyo isku rakibidda drones-ka.

Koox dagaalyahanno ah ayaa sannadkan saddex bilood ku qaadatay gobolka Sa’dah ee Yemen, halka tababarayaal Xuutiyiin ah ay iyaguna Soomaaliya yimaadaan.

Bishii Juun, wafdi afar xubnood ka kooban oo ka socday Xuutiyiinta ayaa doon kaga soo gudbay Yemen, waxayna gaareen Jilib, xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab. Wafdiga ayaa la sheegay inuu kala hadlay kooxda iskaashi ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada Israa’iil ee Berbera, isagoo u ballanqaaday hub iyo tababar dheeraad ah.

Xuutiyiinta ayaa ka cabsi qaba in Israa’iil ay Berbera u adeegsato saldhig ay kala socoto ama kaga weerarto Yemen. Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Cabdulmalik Al-Xuuti, ayaa dhowaan ku hanjabay in kooxdiisu weerari doonto joogitaan kasta oo Israa’iil ka sameysato Somaliland.

Al-Shabaab ayaa sannadkii ururisa ugu yaraan $100 milyan oo ay ka hesho canshuuraha qasabka ah iyo jidgooyooyinka, sida lagu sheegay qiimeyn sirdoon oo Maraykan ah. Lacagtaas ayaa u saamaxaysa inay Xuutiyiinta ka iibsato hub iyo tababar.

Xuutiyiinta ayaa dhankooda doonaya inay Soomaaliya ka helaan meel ay kala socdaan maraakiibta ganacsiga ee Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab Al-Mandab.

Jeneraal Dagvin Anderson, taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika, ayaa WSJ u sheegay in xiriirka labada kooxood uusan ahayn khatar ku kooban Soomaaliya iyo Yemen, balse uu saameyn ku yeelan karo mid ka mid ah marinnada ganacsiga iyo shidaalka ugu muhiimsan dunida.

Xuutiyiintu kama jawaabin su’aalaha WSJ ee ku saabsan xiriirkooda Al-Shabaab. Sidoo kale, weli si madax-bannaan looma xaqiijin noocyada hubka ay Al-Shabaab ka heshay Yemen iyo baaxadda hawlgallada ay labada kooxood qorsheynayaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Maxaa Sababay Mooshinka Xil-ka-qaadista Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh?

Xildhibaannada mooshinka wada ayaa Wasiir Cali Xoosh ku eedeeyay gaabis iyo waxqabad la’aan ku timid howlaha wasaaradda.

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 07:58AM