Soomaaliya : Al-Shabaab oo dib u xoojinaysa shabakadaha qarsoon iyo dilalka qorsheysan ee Muqdisho

Image

MUQDISHU, Soomaaliya — Al-Shabaab ayaa dib u xoojinaysa shabakadaha qarsoon ee ay ku leedahay magaalada Muqdisho, iyadoo xogaha dhinaca amniga ay muujinayaan in xubno ka tirsan kooxda, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira Amniyaadka, lagu dhex daabulayo caasimadda si ay u fuliyaan dilal qorsheysan, weerarro iyo hawlgallo xog-ururin ah.

Muuqaal CCTV ah oo dhowaan la duubay ayaa muujinaya daqiiqaddii sarkaal ka tirsan hay’adaha sirdoonka uu si dirqi ah uga badbaaday isku-day dil oo ay Muqdisho kula beegsadeen rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Muuqaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayaan xogaha ku saabsan dib u soo xoogeysiga shabakadaha qarsoon iyo qorshayaasha dilalka bartilmaameedka ah ee caasimadda.

Xog amni oo la faafiyey 5-tii September ayaa sheegtay in hay’adaha ammaanka Muqdisho la geliyey feejignaan sare kadib markii la helay macluumaad tilmaamaya in in ka badan 100 xubnood oo Al-Shabaab ah lagu daabulay Muqdisho iyo deegaannada ku hareeraysan. Xubnahaas ayaa lala xiriirinayaa qorshayaal ay ka mid yihiin dilal qorsheysan oo lala beegsado shaqsiyaad muhiim ah, weerarro toogasho ah, qaraxyo iyo sahminta goobaha ammaankoodu adag yahay.

Al-Shabaab ayaa muddo dheer magaalada Muqdisho ku lahayd shabakado qarsoon. Warbixinno caalami ah oo dhinaca ammaanka ah ayaa hore u sheegay in Amniyaadka Al-Shabaab ay xubno ku leeyihiin deegaannada ay dowladdu maamusho, isla markaana kooxda ay awood u leedahay inay si qarsoodi ah ugu dhex shaqeyso caasimadda, xog ururiso, canshuur qaaddo, isla markaana fuliso weerarro iyo dilal bartilmaameed ah.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli muddo-xileedkii dastuuriga ahaa ee hay’adaha dowladda federaalka uu dhammaaday, kadib markii madaxda dowladda federaalka ay muddo-xileedkooda ku kordhiyeen hannaan muran siyaasadeed iyo sharciyeed xooggan dhaliyey.

Dowladda federaalka ee muddo-dhaafka ah ayaa toddobaadyadii u dambeeyey qayb weyn oo awooddeeda siyaasadeed, ciidan iyo hay’adaha ammaanka ku mashquulisay dagaallo iyo khilaafyo gudaha ah oo kala dhexeeya maamul-goboleedyo iyo siyaasiyiin ka soo horjeeda siyaasadda Villa Somalia.

Muqdisho gudaheeda, dowladda ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka u adeegsatay khilaafaadka siyaasadeed, oo ay ku jiraan weerarro lagu qaaday guryaha siyaasiyiin ka soo horjeeda Villa Somalia. Arrimahaas ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan mudnaanta la siinayo sugidda ammaanka caasimadda xilli Al-Shabaab ay dib u xoojinayso shabakadaheeda qarsoon.

Baydhabo, dagaallo ayaa sidoo kale dhowaan ka dhacay iyadoo ciidamada dowladda federaalka iyo dhinacyada kasoo horjeeda ay isku dhaceen, taas oo sii ballaarisay khilaafka siyaasadeed iyo kan amni ee dalka.

Xogta cusub ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab waxay sidoo kale imaanaysaa xilli madaxda dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday iyo mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa xukuumadda, gaar ahaan wasiirkii hore ee gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale, ay muddooyinkii dambe ku faanayeen in Muqdisho ay tahay magaalo amni ah, iyagoo shacabka caasimadda ugu baaqayay inaysan dhegaysan hadallada siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda.

Warbixinno hore waxay muujinayaan in kooxda aysan magaalada ku lahayn joogitaan ciidan oo furan, balse ay sii haysato shabakado qarsoon oo xog-ururin, dhaqaale iyo weerarro ka fuliya gudaha caasimadda. Al-Shabaab ayaa sidoo kale taariikh ahaan u adeegsatay dilalka qorsheysan saraakiisha dowladda, siyaasiyiinta, ganacsatada, odayaasha, suxufiyiinta iyo dadka ay u aragto inay la shaqeeyaan dowladda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

“Dooni Mayno Erdoğan”: Bannaanbaxyo Ka Dhan ah Turkiga oo Ka Dhacay Jubaland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in duqeyn cirka ah ay ka dhacday goobta lagu sheegay dhacdada.

  • Soomaliya

    06-09-2026

  • 07:01PM

Dowladda Soomaaliya oo Diyaargarow Ciidan ugu Jirta La Wareegidda Amniga Dalka

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    05-09-2026

  • 01:48PM