Soomaaliya: Askar loo xukumay dilka iyo dhaca oday ehel la ahaa

Image
Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa la sheegay in marxuumka ay ka qaateen $17,300.

MUQDISHO, Soomaaliya - Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii "u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah".

Sidda uu shaaciyey garsoorka, Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, "waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka Maraykanka ah".

"Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf," ayay raacisay maxkamadda.

Muuse Cali Nuur oo hore abaalmarin ugu helay "dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishan February in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar".

"Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada kuwada xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuum Yusuf Cabdi Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalaka sida," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga ka codsatay faragelin milatari oo ka dhan ah Somaliland

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dooneyso inay Somaliland u adeegsato sidii ay u dejin lahayd Falastiiniyiinta.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 07:56AM

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM