Soomaaliya: Gudi doorasho oo looga dhawaaqay Dhuusamareeb

Image
Image

DHUUSAMAREEB - Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta Galmudug looga dhawaaqay gudi doorasho xilli khilaafka siyaasadeed ee maamulkan uu meel sare gaarey.

Gudigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa waxaa loo igmaday inuu soo diyaariyo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, kadib markii maalmo kahor Xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Cali Gacal Casir.

Go'aankan ayaa waxa uu kasoo baxay xubno Xildhibaano ah oo sheegay inay kamid yihiin Baarlamaanka Galmudug, iyadoo ay jiraan Xildhibaanno kale oo ku sugan Cadaado, oo iyana sheeganaya inay yihiin kuwa sharciga ah.

Xildhibaanada ku kulmaya Dhuusamareeb ayaa la sheegay inaysan ahayn kuwa saxda ah ee horey loogu doortay Galmudug, balse ay yihiin kuwii Ahlu Sunna, oo wali aan lagu biirin Baarlamaanka maamulkan.

Dhanka kale, Xildhibaanada ku kulmay Dhuusamareeb ayaa waxay ka doodeen mooshin ay sheegeen in laga keenay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabeey, kaasoo kamid ah garabka fadhigiisu yahay Cadaado, oo khilaafka kala dhaxeeya Xaaf.

Waxaa shalay Kulan ay Xildhibaano ku yeesheen Cadaado uga dhawaaqeen inay kalsoonida kala noqdeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, xilli xiisadda siyaasadeed ee Galmudug marayso meeshii ugu xumayd abid.

Warar ayaa sheegaya in Khilaafka Galmudug uu lug ku leeyahay midka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleeyda dalka, kuwaasoo shirkii Kismaayo lagu soo gabagabeeyay 8-dii bishan ku shaaciyay inay xiriirka u jareen Villa Somalia.

Madaxda Galmudug ayaa khilaafkooda kasoo billowday qaabkii loo fulin lagaa heshiiskii Jabuuti, ee IGAD garwadeenka ka ahayd, kaasii dhigaya in labada dhinaca [Galmudug iyo Ahlu Sunna] sameeyaan midow, iskuna biiriyaan baarlamaanadooda iyo ciidanka.

Lama oga halka ay ku biya shuban doonta Xaaladda Galmudug hadda ka taagan iyo Xiisadda u dhaxeysa madaxda maamulkan, oo la dagay khilaafyo tan iyo aas-aaskiisa 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM