Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo ka shiray dib-u-habeynta dhaqaalaha

Image

GENEVA, Swiss - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM