Soomaaliya iyo Cuba oo ka shiray dhakhaatiir u afduuban Al-Shabaab

Image

HARERA, Cuba – Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Cuba, Axmed Ciise Cawad iyo Bruno Rodriguez, oo telefoonka kawada hadlay ayaa isla soo qaadey xaalada dhakhaatiir ay sanad kahor afduubatay Al-Shabaab.

Rodriguez oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaaca ka dhigay in uu uga mahadcelinayo xukuumadda Muqdisho taageeradeeda ku aadan in howlwadeenadaas caafimaad ay dib u hantaan xorriyadooda.

Sidda laga soo xigtay qoraalkiisa, dhinacyada ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay wanaajinta cilaaqaadkooda.

"Waxaan telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad. Waxaan bogaadinayaa taageerada iyo dedaalada dowladiisa ee damaanad-qaadka sidii ay nabad ugu soo laaban lahaayeen dhakhaatiirta. Waxaan adkeynay sii xoojinta xiriirkeena laba geesoodka ah," ayuu yiri.

Bishii April 12-keeda sanadkii 2019-kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga qafaashay gobolka waqooyi bari ee gudaha waddanka Kenya.

Saddexda dowladood ayaa daaha gedaashiisa waxay tan iyo xilligaas kawadaan dedaalo ay uga shaqeynayaan soo badbaadinta xubnahaas.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay Soomaaliya u soo wateen dhakhaatiirta, wallow aysan kasoo saarin fahfaahin rasmi ah.

Bishii April, sanadkan 2020, madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel, ayaa u balanqaadey qoyska dhakhaatiirta in ay dib u soo celin doonan wallow uusan carabka ku dhufan goorta iyo hadii rajadooda ay aad u wanaagsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM