Soomaaliya iyo Cuba oo ka shiray dhakhaatiir u afduuban Al-Shabaab

Image

HARERA, Cuba – Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Cuba, Axmed Ciise Cawad iyo Bruno Rodriguez, oo telefoonka kawada hadlay ayaa isla soo qaadey xaalada dhakhaatiir ay sanad kahor afduubatay Al-Shabaab.

Rodriguez oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaaca ka dhigay in uu uga mahadcelinayo xukuumadda Muqdisho taageeradeeda ku aadan in howlwadeenadaas caafimaad ay dib u hantaan xorriyadooda.

Sidda laga soo xigtay qoraalkiisa, dhinacyada ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay wanaajinta cilaaqaadkooda.

"Waxaan telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad. Waxaan bogaadinayaa taageerada iyo dedaalada dowladiisa ee damaanad-qaadka sidii ay nabad ugu soo laaban lahaayeen dhakhaatiirta. Waxaan adkeynay sii xoojinta xiriirkeena laba geesoodka ah," ayuu yiri.

Bishii April 12-keeda sanadkii 2019-kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga qafaashay gobolka waqooyi bari ee gudaha waddanka Kenya.

Saddexda dowladood ayaa daaha gedaashiisa waxay tan iyo xilligaas kawadaan dedaalo ay uga shaqeynayaan soo badbaadinta xubnahaas.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay Soomaaliya u soo wateen dhakhaatiirta, wallow aysan kasoo saarin fahfaahin rasmi ah.

Bishii April, sanadkan 2020, madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel, ayaa u balanqaadey qoyska dhakhaatiirta in ay dib u soo celin doonan wallow uusan carabka ku dhufan goorta iyo hadii rajadooda ay aad u wanaagsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM