Soomaaliya iyo Mareykanka oo gaarey is-afgarad ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee howlgaladda gaarka ah oo ka degay Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Jeneraal Richard D Clark iyo Xasan Cali Khayre ayaa kulankooda ku lafaguray xaaladda guud ahaan ee waddanka gaar ahaan dhanka ammaanka.

Xafiiska Khayre ayaa wariyey in wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka "u xaqiijiyey" Richard sida ay uga go'an tahay dib u habeynta dhanka hay'addaha ammaanka ee dalka dhaca bariga Afrika.

Labadda dhinac ayaa sidoo kale waxay isla meel-dhigeen xoojinta howlgalada milatari ee wadajirka ah iyo xorreynta degaanadda wali baaqiga ku ah gacanta dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa wali maamulo qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in dalka wali u nugul yahay khataraha "argagixisadda" isla markaana yahay "meel ay gabaad ku heli karaan iyaga oo adeegsanaya xubno qoyskooda".

Washington ayaa ku dhaleeceysay xukuumadda Muqdisho in aysan 2018-kii horumar ka sameynin shuruucda la dagaalanka "xagjirnimadda" oo haatan horyaala baarlamaanka federaalka.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamadda taageerada xoogan ka siiya Soomaaliya dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waana xulafo muhiim u ah baacsiga ururada Daacish iyo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM