Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo heshiis kala saxiixday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta oo Axad ah ku kala saxiixday Muqdisho heshiis ku saabsan maqaamka Ergada Midowga Yurub ee awood dhisidda tababar ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Heshiiska ayaa waxa uu qeexayaa habka iyo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo lala jaanqaadayo waxyaabaha muhiimka u leh qorshayaasha nabadgelyada iyo deganaanshaha ee lagu kobcinayo awoodda nafsiyadeed ee sare loogu qaadayo amniga badaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Muqdisho ayaa waxa ay tilmaameen horumarka xiriirka iskaashi ee wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya sidii hore loogu dhaqaajin lahaa si loo gaaro natiijooyin lagu qanco oo ka tarjumaya himilooyinka la doonayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM