Soomaaliya iyo Norway oo ka shiray xakameynta cudurka Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Norway, Ine Eriksen Soreide, ayaa yeeshay kulan dhanka internet-ka ah [video conference].

Dhinacyadda ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dowladood, dadaallada lagu xakameynayo COVID-19 iyo arrima kale oo muhiim ah, sidda lagu sheegay war qoraal ah.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, Khayre ayaa dowladda Norwey uga mahad celiyay taageerada hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka Barta Go’aanka [decision Point].

Bayaankan uu arkay Garowe Online ayaa intaas ku daray in uu cadeeyay in dowladdu sii wadeyso dadaallada deyn nadiifinta inta laga gaarayo Barta dhammaadka [completion point].

Soreide ayaa lagu waramay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay "guusha uga soo hoyatay dadaalladii deyn cafinta".

Sidoo kale, waxaa la sheegay in ballan qaaday in Norway ay sii wadeyso garab istaagga dowladda, si loo dhammeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka Soomaalida.

Dowladda Norway ayaa, sidda uu carabka ku adkeeyay qoraalka, waxay qayb ka tahay waddamada dowladda Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyadda horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM