DF: Meel aan maxkamadda ICJ ahayn laguma xalinayo dacwada badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah uga fal-celisay dalabkii ka yimid Kenya ee ku aadanaa in muddo 12-bilood ah dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda.

Muqdisho ayaa codsiga ay Nairobi u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ku tilmaamtay mid "dhibaato qoto dheer leh" isla markaana "aanan lahayn wax cudur daar ah, dhaawacayana nidaamka garsoorka".

Danjiraha dalka dhaca Geeska Afrika u qaabilsan arrimaha Midowga Yurub kaasi oo jawaabta rasmiga ah ee waddanka gudbiyey ayaa meesha ka saarey in kiiskan lagu xalin doono wada hadal, taasi oo ah rajada Kenya.

"Mowqifkeena rasmiga ah ee arrintaasi waa in dhageysiga aanan la baajin karin… shan sano ayuu soo jiitamayey…waqtigan waxaa la joogaa xiligii la dhageysan lahaa," ayuu Dr Cali Saciid Fiqi u sheegay VOA-da.

Kenya ayaa soo jeedinteena waxay qiil uga dhigatay in ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay ku qoroto qareeno cusub oo difaaca doodeeda maadaama ay eriday kuwii hore markii ay natiijo keeni waayeen.

Gal-dacwadeedkan oo soo bilowday bishii August ee 2014-kii ayaa ku saleysan goob badkeedu yahay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Shidaalka.

Dowladda Uhuru Kenyatta oo xusul-duub ugu jirta in wada xaajood lagu dhameeyo qadiyadan ayaa ku hungowday isku dayo badan oo ay ku raadineysay arrintaasi oo ay ku jirto cadaadis diblumaasiyadeed.

"Dowladda [Federaalka] Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu xaliyo meel aan ahayn Maxkamadda [ICJ]," ayuu hadalkiisa ku daray safiirka.

Dhinaca kale, xeer-beegtada hoostagta Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaaladda Hague ee waddanka Holland ayaa la filayaa in ay go’aan kasoo saarto dalabka Kenya, ugu dambeys illaa iyo Jimcaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM