Soomaaliya oo bixineysa shatiga shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay bisha soo aadan ee December bilaabi doonto bixinta shatiga xirmooyin shidaal oo gaaraya 30 bilyan oo fuusto ah.

Cabdirashid Maxamed Axmed, wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, ayaa tilmaamay xirmooyinka ay shatiyadooda bixinayaan laga helay meel ka baxsan goobta "ay sheeganeyso" Kenya.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu u sheegay in shirkado dhowr ah ay kasoo qeybgeli doonan bandhiga iyo bixinta shatiyadda, wallow uusan carabaabin shirkaddo gaar ah.

Ammaanka goobaha laga helay ayuu daboolka ka qaaday in laysku helayn karo lagana sifeeyay shufta badeeda. Sidda laga soo xigtay wasiirka, 30-ka bilyan ee fuusto ayaa ku jira 15-xirmo oo la helay.

"Soomaaliya waxaa horay loogu yaqiinay burcad badeed, argagixiso iyo xasilooni daro, dowladdana waxaa ay wadaa dedaal lagu xasiinayo dalka," ayuu raaciyey wasiir Cabdirashiid.

Maalgashiga Gaas-ka iyo shidaalka ayuu xusay in fursad shaqo ay u noqon doonto dhalinyarada, in da' yarta aysan ku biirin kooxaha burcadda, qeybna ka qaataan ammaanka dalka.

"Waxaa jira nidaam aan ku heshiinay oo dhigaya in haddii aan soo saarno shidaal, aysan dhici doonin dhibaato ka dhalata," ayuu ku jawaabay markii la waydiiyey hadii muskhilado dhici karaan.

Wadamo dhowr ah ayaa waxaa hareeyay khilaafaad iyo colaado markii ay heleen kheyraadka dabiiciga ah ee Saliida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu qalinka ku jiido sharciga batroolka, kaas oo xeerinaya qaabka loo wadaagi doono kheyraadka. Xeerkan ayaa horyaala Aqalka Sarre.

Soomaaliya ayaa dhowaan Shell/Exxon Mobil ka heshay dhaqaalihii ugu horeeyay markii ay bixiyeen shirkaddaha kirada xirmooyin shidaal oo ay ku leeyihiin dalka, oo ay dib u soo ceshteen, 30-sano kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM