Soomaaliya oo cambaareysay qoraalkii Imaaraadka Carabta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ee waqtiga uu ka dhamaadey ayaa cambaareysay qoraalkii shalay kasoo baxay Imaaraadka Carabta ee walaac looga muujiyey shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho isla markaana xukuumadda Farmaajo ku qeexay "ku meelgaar".

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in bayaanka Abu Dhabi uu "daba-socdo" sheegashooyinka mucaaradka ee ku aadan "in aysan dalka ka jirin wax dowlad ah" iyo mudaaharaadka Jimcadii ku qabsoomay Muqdisho.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in "gacmo shisheeye" ay ku jiraan caqabadaha ku hor-gudban dhaqan-gelinta heshiiska 17-kii September.

Mr Dubbe oo weerar afka ah ku qaadey Imaaraadka ayaa rumeysan in qoraalkoodii shalay "uu muujinayo in ay qeyb ka ahaayeen dibin-daabyadii dalka ka dhacayey sanadihii lasoo dhaafay".

Balse masoo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa, isaga oo carabka ku dhuftey "in ay dhowaan shaacinayaan hay'adaha ku shaqada leh".

Mowqifka maamulada Puntland iyo Jubaland ka taagan yahay xal u helida khilaafka ka taagan doorashooyinka ayuu la xiriiriyey in ay ku fulinayaan Imaaraadka Carabta. Balse wuxuu mar kale ku guuldareystay in uu dadweynaha la wadaago macluumaadyo xoojinaya dhawaqa kasoo yeeray.

Dowladda Farmaajo ayaanan xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn Imaaraadka Carabta afartii sano ee ay sharciyadda u haysatay hogaaminta waddanka, waxaana ay xiriir dhow la lahayd Qadar oo maalgelisay ololihii doorashada madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ee sanadkii 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM