Soomaaliya oo dib u dhistay Machadka Qaranka Dibloomaasiyadda

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay dib u dhis balaaran ku sameysay Machadka Qaranka ee Dibloomaasiyadda.

Mashruucaan ayaa waxaa maalgelisay dowladda Qadar oo cilaaqaad aad u dhow la leh xukuumadda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dib u dhiska machadkan ayaa wuxuu qayb ka ahaa is-afgarad ay hogaamiyeyaasha labadda waddan kala saxiixdeen.

Munaasabadda xarig jarka oo lagu waddo in ay mas'uuliyiin kala duwan ka qeybgalaan ayaa loo muddeeyay 2-da bisha December ee 2019-ka.

Kadib munaasabadda xarig jirka, waxaa la filayaa in si rasmi ah ay uga bilowdaan bixinta casharadda, iyadda oo ay dalka diyaar ku yihiin Macalimiinta.

Machadkaan oo la aas-aasey sanadka markii uu ahaa 1986 ayaa wuxuu kamid ahaa hay'addihii dowliga ahaa ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee dhacay.

Xukuumadda Dooxa ayaa saameyn xoog leh waxay ku yeelatay siyaasada dalka tan iyo markii ay timid dowladda Farmaajo oo mudada xileedkeed gabagabo yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM