Soomaaliya oo dunida u bandhigtay qaabka looga hortagi karo xag-jirnimada

Image
Image
Image
Image

BRUSSELS, Belgium - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa magaalada Brussels ee Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya xag-jirnimada.

Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen Xag-jirnimada.

Si lamid ah, waxaa hadafka shirkaan laga leeyahay uu yahay in loo wadaago hannaanka ugu habboon ee xididaha loogu siibi karo fekradaha xag-jirnimadda loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag-jirnimada ku salaysan," ayuu Khadar yiri.

Mr Khadar oo sii hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in la mideeyo quwadaha caalamka si looga taqaluso xag-jirnimadda.

"Nuuc kasta oo xag-jirnimo ah waxa uu nagu haysaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run-sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan," ayuu raaciyay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa walwal ka muujiyay koritaanka kooxaha argagaxisada ah ee amni darada ka abuuraya dalal ay Soomaaliya ku jirto.

"Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan,”, ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenku ka sheegay shirka Brussels.

Kulanka oo uu mari geliyay Mahadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM