Soomaaliya oo ka fekereysa xayiraad ay kusoo rogto Kenya iyo Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka fekereysa xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay kusoo rogto Kenya iyo Itoobiya kadib markii ay xaqiijiyeen kiisas la xiriira Coronavirus.

Hadalkaas waxaa si rasmi ah kaga dhawaajiyey Axmed Macalin, madaxa Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Xukuumadda ayaa mar sii horeysay u hakisay duulimaadyadda ka yimaada; Shiinaha, Talyaaniga, Kuuriya iyo Iiraan.

Kiisaska laga helay magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ayaa aad u kordhiyey suurtalgalnimada in xanuunka uu soo gaaro Soomaaliya, waxaana dadku muujinayaa baqdin iyo walaac badan.

"Si joogta ah ayaan isha ugu haynaa. Waxaan talooyin wadaagnaa Hay'addaha Duulista Kenya iyo Itoobiya. Wadanka hadii hal kiis ama laba kiis laga helo macnaheedu maahan in aan annaga xanibaad iska soo boodno. Waxaan fiireynaa rate-ka uu ku socdo, xadiga uu ku socdo, kororka cudurka hadii uu korodho waxaan ku dareynaa liiska dalalka aan xayiraada socdaalka kusoo rogno," ayuu u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Hay'adda uu maamulaha ka yahay iyo Guddiga uu ra'iisul wasaaraha magacaabay ayuu tibaaxay in ay shirar joogta ah ka yeeshaan cudurka isla markaana ay kulan gaar ah isugu balansan arrinta dalalka deriska.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in afar muwaadin oo ka yimid Shiinaha ay ka hubisay fayruska in ay la nool, wallow ay Beesha Caalamka ku waanisay in ay kaalmo deg-deg ah lasoo gaaraan waddanka.

Shirarka aan muhiimka ahayn iyo safarada dibadda ayay ku talisay in la joojiyo, iyaddoo bulshadda ku waanisay in ay aad uga taxadaraan nadaafadda maadaama ay kamid tahay qaababka looga hortago.

Sidda ay shaacisay Hay'adda Caafimaadka Aduunka, Coronavirus oo xuduntiisu tahay qaarada Yurub waxaa uu ku faafay in ka badan 100 dal, iyaddoo dadka uu ku dhacay ay tirro ahaan gaarayaan 120-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM