Soomaaliya oo ka hadashay rabshadaha Koonfur Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aadan banaanbaxyada rabshadaha wata ee ka dhashay xariga madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ee Jacop Zuma.

Ugu yaraan afar Soomaali ah ayaa la wariyey in ay ku naf-waayeen qulqultooyinkan, halka tobanaan kale ay si dirqi ah uga badbaadeen falalka boobka markii banaanbaxayaasha careysan u dhaceen xarumahooda.

Wasaarada arrimaha dibada xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey waxay ku sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay beegsiga ajaaniibta gaar ahaan Soomaalida.

Sida ku xusan bayaankan lagu faafiyey baraha internet-ka ee wasaarada, Muqdisho ayaa ka codsaneysa Koonfur Afrika in ay xaqiijiso badbaada muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xuquuqdooda aas-aasiga ah.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda qotada dheer oo ku saabsan rabshadihii iyo bililiqadii ay ku dhinteen afar qof oo Soomaali ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen mehradahoodana oo ay dhac ka geysteen tuugo hubaysan meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika 72-dii saacadood ee la soo dhaafay," ayay tiri.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dowladda Koonfur Afrika in ay muujiso dedaal badan si looga ilaaliyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada ah, loona hubiyo badbaadada noloshooda, xarumahooda iyo ilaalinta xuquuqdooda".

"Soomaaliya waxay ku faantaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika xilliyadii halganka ay kala soo horjeedaan midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisan tahay siyaasada, dhaqaalaha iyo taageero istiraatiiji ah oo ay bixisay in muddo ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Zuma oo taageereyaashiisa ay yihiin dadka banaanbaxa dhigayey ayaa loo haystaa eedeymo musuqmaasuq ama wax is-dabamarin gaar ahaan heshiis dhanka ciidamadda ah kaasoo qalinka lagu duugay sanadkii 1999-dii. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM