Soomaaliya oo ku biirtay dalalka Afrika ee ay haweenay maamusho magaalo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Todobaadkan magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya waxay yeelatay haweenaydii ugu horeysay guud ahaan wadanka taasoo duq magaalo noqota, waana Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale.

Taariikhdaasi oo ay sameysay waxaa u suurtogeliyey magacaabis ka timid Maxamed Cabdi Waare, hogaamiyaha maamul goboleedka HirShabelle, oo magaaladaasi ay hoostagto.

Safiya, ma ahan xilkii koowaad oo ay qabato, waxay horey u soo noqotay gudoomiyaha maamulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir, halkaasi oo ay sidoo kale xilal hoose kasoo qabatay.

Iyadda oo u warameysa laanta af Soomaaliga ee VOA-da ayay shaaca ka qaaday in aysan wajahaynin wax walwal ah, balse ay isku deyi doonto in ay wax ka qabato arrimo tagaan, mudada ay xilka hayso.

Tani ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqotay waddamada qaarada Afrika ee ay qof dumar ah ay ka tahay duq magaalo.

Liisaska dalalka Afrika ee magaalooyinka ay dumar maamulaan ayaa kala ah sidaan hoose ku xusan;


Sierra Leone [Freetown] = Marwo Yvonne Aki Sawyerr

Rwanda [Kigali] = Marwo Marie-Chantal Rwakazina

The Gambia [Banjul] = Marwo Rohey Malick Lowe

Senegal [Dakar] = Marwo Soham El Wardani


Beledweyne, magaalo ka kooban degmooyin, ayaa ah xarunta gobolka Hiiraan. Waxaa mara webiga Shabeelle oo Bari iyo Galbeed u kala qeybiya caasimada, waxayna 210 mile ay u jirtaa caasimada dalka ee Muqdisho.

Haweenka Soomaaliyeed oo bulshada iyo siyaasada aysan kasoo muuqan jiray sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxay iminka u muuqdaan kuwa sameynaya guulo dhiirogelinaya gabdhaha soo koroya.

Sanadihii u dambeeyay haweenka Soomaaliya ayaa kaalin fir-fircoon ku lahaa xeer-dejinta, ciidamada qalabka sida [booliska iyo milatariga] iyo Golaha Wasiiradda, wallow tiradoodu ay ku yar-tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM