Soomaaliya oo laga hirgeliyey App bixinaya talooyin la xiriira Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Application-ka Badbaado449 (Boda Community) oo loogu tala galay in dadka ay taleefannadooda ku degsadaan kadibna ay ku raadsadaan talooyinka iyo gurmadka caafimaad.

Agaasimaha siyaasadda iyo sharciyada ee wasaaradda, Cabdullaahi Faarax, ayaa sheegay in Habkaan (Application-ka) cusubi uu qeyb wayn ka qaadanayo isku xirka bulshada iyo xarumaha caafimaad ee ku howlan la tacaalidda COVID-19.

Balse ma uusan kala caddeyn haddii ku shubashadda App-ka ay tahay bilaash ama lacag. Si lamid ah ma sharaxin waxa uga qorsheysan dadka aan haysan telefoonada casriga ah.

Dr. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kamid ah dhaqaatiirta ka howl gala xarunta isku xirka COVID-19 ee 449 ayaa sidoo kale sheegay in habka Badbaado449 uu bulshada u fududeynayo inay taleefannadooda ay si degdeg ah ugu helaan farriimaha caafimaad ee ay u baahanyihiin.

"Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in sida ugu habboon ay u xakameyso cudurkaan halista badan ee COVID-19, si looga nabad galo saameynta uu ku yeelanayo nolosha bulsahda," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Xukuumadda Federaalka ah ayaa horey u wajaheysay eedeymo ku saabsan in ololaha la dagaalanka safmarka Coronavirus ay mashruuc ay lacag ka sameeyaan ku mileen mas'uuliyiin.

Tani ayaa wiiqeysa dagaalka lagula jiro cudurka oo haatan ay muuqaneyso in uu si aayar ah ugu faafayo gudaha dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee laga helay xanuunkan kasoo bilowday dalka Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM