Soomaaliya oo laga xaqiijiyey 38 kiis cusub oo ah Covid-19, geeri horleh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 38 kiisas cusub oo ah Covid-19 iyo hal dhimasho ah oo cudurku sababay.

Sidda ay warbaahinta u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, 35 kamid ah bukaanada cusub waxay joogaan Muqdisho, halka saddexda kale laga helay degaanadda maamulka Somaliland.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee guddiga ka hortagga Covid-19, bukaanka dhintay ayaa ku sugan magaala madaxda dalka. Balse laguma bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan sooyaalkiisa.

Wadarta guud ee xaaladaha xanuunka ee guud ahaan dalka ayaa haatan mareysa 873, iyaddoo dhimashadda ay sii cagacageyneyso 39 oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo HirShabelle.

Fowziya, oo xustay in 30 kamid ah bukaanada cusub ay yihiin Rag sideeda kalena ay dumar yihiin, ayaa carabka ku dhufatay in 12 muwaadin ay ka caafimaadeen cudurka, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tani ayaa ka dhigeysa tiradda guud ee dadka ka bogsaday caabuqa 87. Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa sarre u kac laga dareemayaa dadka ka kacaya fayruska oo todobaadyaddii hore aad u hooseysay.

Shirka jaraa'id ee dowladda Soomaaliya ku fahfaahiso xaaladaha soo kordhay ee Covid-19 ayaa galab kasta lagu qabtaa xafiiska ra'iisul wasaaraha xili wariyeyaasha laga mamnuucay in ay su'aalo waydiiyaan wasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM