Soomaaliya oo lagu daray "horyaalka dalalka ay burburiyeen argagixisada"

Image

ABUJA, Nigeria – Nigeria ayaa waxay kamid noqotay "horyaalada wadamada ay cagta mariyeen kooxaha argagixisada sidda Soomaaliya, Ciraaq, Afghanistan iyo wixii lamid ah," sidda ay ka dhawaajiyeen siyaasiyiin mucaarad ah.

Siyaasiyiintan ka tirsan Xisbiyada Dimuqraadiyada Dadka ee Nigeria ahna Gudoomiyeyaal Gobol ayaa ku eedeeyay dowladda madaxweyne Maxamaduu Buhaari in ay ka gaabisay la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Aminu Tambuwal oo ku jiray siyaasiyiintaas ayaa carabka ku adkeeyay in Boko Xaraam iyo kooxaha kale ee burcada ay ka faa'iideysanayaan "beenta dowladda iyo qorshe xumida" Golaha Barwaaqa-sooranka ee Buhaari.

Qoraal wadajir ah oo ay kasoo saareen mudada xileedka dhamaadka ah ee dowladda Buhaari ayay kusoo bandhigeen "qaladaadkii ka dhacay".

"Waddankeena wuxuu maamulkan u horseeday iskoorkii ugu sareeyay ee argagixisada caalamka, isagoo 2016-kii gaarey 9.01%, halka 2018 uu ahaa 8.6% xilli qiimeyntii 2010 ay ahayd 6.31% iyo 2012 oo ahayd 7.9%; wax walba waxay is badaleen markii uu awooda qabtay taliska talada haya," ayuu yiri.

Tambuwal ayaa intaas ku daray: "Waa nasiib darro in xaaladan ay qarankeena ku darto horyaalka wadamada ay sidda qotoda dheer u burburiyeen argagixisada sidda Afghanistan, Ciraaq, Soomaaliya iyo wixii kaloo lamid ah".

Boko Xaraam oo aad ugu xoogan gobolada waqooyi bari, waqooyi-galbeed iyo qaybo kale oo kamid ah Nigeria ayaa fulisa weeraro aad u culus.

"Dowladda waxay ku fashilantay in ay shacabka Nigeria ka kaafiso arrimaha ammaanka iyo guud ahaan nolosha dadkeena oo haatan ku nool wax ka hooseeya 1.9 Doolar qofkiiba," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM