Soomaaliya oo lumisay fursad ay ugu soo bixi kartay Koobka Aduunka

Image
Image
Image

HARARE, Zimbabwe – Xulkii Soomaaliya ee taariikhda sameeyay ayaa is-reereebka koobka aduunka Qadar 2022-ka waxaa kasoo reebay dhigooda Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa lugta koowaad kusoo adkaatay 1-0, taasi oo ka dhigtay guushoodii ugu horeysay oo ay ka helaan isreereebka tartanka kubadda cagta caalamka.

Guuleysteyaasha, oo xul adag lasoo shir-tegay lugta labaad, ayaa waxay kusoo baxeen natiijo dhan 3-1, kadib laba gool oo xili dambe yimid, taasi oo labin lama filaan ah siisey.

Goolka guusha waxaa qaranka martida loo ahaa u dhaliyey ciyaaryahanka Khama Billiat. Tani waxay la macno tahay in labada lugood ay kusoo idlaadeen 3-2.

Cumar Maxamed oo wata lamberka 10aad, waa dhaliyaha goolka qura ee ay Soomaaliya heshay lugta labaad ee kulan ciyaareedkan heerka caalami ah.

Goolasha kale ayaa waxay Zimbabwe uga mahad-celineysaa ciyaartoyda kala ah; Marshal Munetsi iyo Mutizwa, kaasoo laad-xor ah shabaqa ku hubsadey.

Xidigaha Soomaaliya ayaa qeybta koowaad soo bandhigay qaab-difaaceed heer sarre ah, balse bogga labaad waxay muuqdeen kuwa hoos u dhac sameeyay.

Sikastaba ha ahaatee, guuldaran ayaa Soomaaliya uga dhigan fursad muhiim ah oo ay lumiyaan taasi oo ay ugu soo bixi kareen dhacdada ugu weyn kubada cagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM