Soomaaliya oo madax u noqoneysa Wasiirada Jaamaacada Carabta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lixda bilood ee soo aadan loo doorto in ay madax u noqoto Gollaha Wasiirada ee dalalka ku midoobay ururka Jamaacada Carabta.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa xaqiijiyay arrintaan, inkasta oo uusan ka bixin fahfaahin ku saabsan qaabka ay ku imaaneyso iyo waqtiga saxda ah.

Cawad ayaa waqti xaadirkaan ku sugan dalka Masar, isaga oo qayb ka ah wafdiga uu horkacayo Madaxwayne Farmaajo ee ka qaybgalaya shirka Jamaacada Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta ka furmaya magaaladda Sharm El-Sheekh.

"Ajendaha shirka waa labo qodob oo kala ah; muhaajiriinta iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen labada Umadood," ayuu Cawad u sheegay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da.

Shirkaan oo ah midkii ugu horeeyay oo noociisa oo ay yeeshaan hogaamiyaasha wadamada ururka Jaamaacada Carabta iyo midowga Yurub ayaa ka qabsoomaya magaalada Sharm El-Sheekh ee dalka Masar.

"Soomaaliya waxaa ka quseeya shirkaan in ay kamid tahay wadamada ku midoobay Jamaacada Carabta..waxaana madax u noqon doonaa Gollaha Wasiirada [Ururukaasi] lixda bilood ee soo aadan," ayuu Wasiirka hadalkiisu daba dhigay.

Midowga Yurub ayaa la sheegay in ay hoos-udhigtay taageerada beni'aadanimo oo ay siiyaan Soomaaliya, inkasta oo wasiir Cawad uu gaashaanka u daruuray, wallow uusan meesha ka saarin in ay kala hadlayaan arrimahaasi.

"Inaga waxaanu rumeysan nahay taasi bedalkeeda oo ah in ay sare u kacday," ayuu hadalkiisa kusoo xiray wasiirka.

Soomaaliya, dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika, ayaa xubin buuxa ka noqotay Jaamaacada Carabta 14 February 1974 – 14-sano kadib goortii ay dib-u-soo ceshatay madax banaanideeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM