Soomaaliya oo mowqif ka qaadatay heshiiska dhinacyadda Suudaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay bogaadisay heshiiska ay todobaadkan qalinka ku duugeen dhinacyadda ku lugta leh siyaasada Suudaan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Muqdisho oo si lamid ah lagu soo dhaweeyay ayaa waxa uu ku sifeeyay Axdigaasi "mid qiimo badan".

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa talaabadaasi ku tilmaamay "mid dabaha u xaareysa" dimoqraadiyadda ay shacabka dalkaasi dalbanayaan.

Golaha ku meel gaarka ah ee milatariga kaasi oo xukuma wadankan Carbeed iyo Isbaheysiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ayaa Sabtidii isku afgartay in ay wada dhisaan dowlad ku meel gaar ah.

Tani ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay ku biireyso liiska wadamada taageeray heshiiskaasi, kuwaasi oo ay kamid yihiin Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Heshiiskaasi oo ay kasoo wada shaqeeyeen Midowga Afrika iyo dowladda Itoobiya ayaa afjaraya kala aragti duwanaanshiyo muddo dhextaalay labada dhinac, wallow wada xaajoodyadda ay sii socodan.

Suudaan oo dhexda uga jirtay qalalaaso siyaasadeed markii bishii April afgembi xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al Bashiir ayaa heshiiskan waxaa si lamid ah soo dhaweeyay qaar kamid ah rayidka.

Fahfaahin kooban oo heshiiska ku saabsan

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegeysa in darafyadda ay si rasmi ah qalinka ugu jiidi doonan heshiiska 17-ka bisha August kadib munaasabad ay goobjoog ka noqon doonan hogaamiyeyaal ajaaniib ah.

Maalin kadib marka ay saxiixan heshiiska, 18-ka August, ayaa lagu dhawaaqi doonaa Gole madax banaan, kaasi oo wadanka xukumi doona inta lagu guda jiro mudada ku meel gaar ah oo saddex sano ah.

Ra'iisul Wasaare cusub ayaa waxaa la magacaabi doonaa 20-ka August, iyadda oo 28-ka August lagu dhawaaqi doono Gole Wasiiro cusub.

Wasiiradda iyo Golaha Madaxa-banaan ayaa kulmi doona 1-da bisha September, iyadda oo muddo saddex bilood ahlagu soo magacaabin baarlamaan cusub.

Sidda ku cad heshiiska, Golaha xeer-dejinta oo ka koobnaan doona 300-xubnood ayaa waxaa 67% ku yeelan doona Isbaheysiga ugu weyn Mucaaradka iyo Xoogaga Xorriyadda iyo Isbedel-doonka.

Xisbiyadda Siyaasadeed ee aanan xiriirka la lahayn Al Bashiir ayaa dhankooda waxay qaadan doonan saamiga kale ee kasoo haray kuraasta baarlamaanka dalkan dhaca waqoyga qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM