Soomaaliya oo noqotay dalka ugu Internet-ka jaban wadamada Carabta iyo Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadanka Soomaaliya oo xubin ka ah Ururada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa awooday inuu safka hore ka galo dalalka ugu qiimaha jaban ee khadka Internet-ka, iyadoo kawada sare martay dhammaanba dalalka ku bahoobay ururadaasi.

Wargeyska Tech and Digital oo ka faallooda arrimaha digital-ka ayaa macluumaadkiisa ugu dambeeyay daaha kaga qaaday in ay Soomaaliya tahay dalka ugu raqiisan Internet-ka, marka ay noqoto Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Xog uruurintan ayaa lagu muujiyay in halkii GB ee Mobile Data ay dadka Soomaaliyeed ku qarash-gareeyaan nus dollar ($0.5), waana qiimo aad u hooseeyo, marka aad eegto wadamada kale, ee aan bahwadaagta nahay.

India ayaa noqotay dalka ugu qiimaha jaban Internet-ka caalamka oo idil. Halkii GB waa $ 0.09, taa oo ka raqiisan qiimaha celceliska dalkaasi ee sanadkii 2019, waana qiimo dhimis boqolkiiba shan iyo lixdan ah (65%).

Xog uruurin la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Soomaaliya ay tahay dalka ugu Internet-ka raqiisan wadamada Carabta iyo guud ahaan Afrikaba.

Arrinta kale ee indhaha dunida soo jiidatay ayaa ah in Soomaaliya ay kaalinta 7aad ka gashay dalalka ugu qiimaha jaban xagga Internet-ka dunida oo dhan, waxaana ka horeeya oo keliya India, Israel, Kyrgystan, Italy, Ukraine iyo Kazakhstan.

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom oo ah shirkadda isgaarsiineed ee dalkeena ugu weyn ayaa soo dhaweysay in Somaliya ay noqoto dalka ugu qiimaha jaban dhinaca Internet-ka, marka loo eeggo dunida Carabta iyo qaaradda Afrika.

Qoraal lagu daabacay barta Hormuud Telecom ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan bixino Internet- ka ugu qiimaha jaban Afrika iyo Carabtaba. Waxaana naga go’an inaan noqono kuwo bixiya adeeg Internet kan ugu wanaagsan Somaliya. Inaga oo siineyna macaamiishayada xawaare aad u sareeyo iyo isku xirnaan lagu kalsoonaan karo, qiimo jaban.”

Tani ayaa weji kale u yeeleysa sawirkii uu caalamka ka haystay Soomaaliya, farriinta ay direysana waxaa weeye in dalka ay horumar la taaban karo ka gaaray dhanka teknoolojiyadda casriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM