Soomaaliya oo ka ashtakootey in Kenya ay "dal" ku sifeyso Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaa Axadii looga yeeray safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho, Lucas Tumbo, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Mr Tumbo ayaa waxaa wax laga weydiiyey qoraalkii dhowaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha xukuumadda Nairobi kaasoo "dalka" ku tilmaamay maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Wasaaradda ayaa danjiraha ku wareejisay warqad cabasho oo ka dhan ah qoraalkaasi, kaasoo ay ku tilmaamay "duulaan aargoosi ah", sidda ku cad war-saxaafadeed ku taariikheysan 1-da bisha Julaayo.

"Waxaan u aragnaa qoraalkaasi mid ka dhan ah madax banaanida, wadajirka iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. Si lamid ah wuxuu dhaacayaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka muranka dhaliyey ayaa yimid kadib kulan ay Nairobi ku yeesheen wasiirka xiriirka caalamka ee Somaliland, Mr Faratoon iyo Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Kenya arrimaha dibadda Kenya.

"Soomaaliya waxay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam iyo iskaashi dhow oo ay la yeelato deriskeeda, isla markaana waxay Kenya ka fileysaa sidaasi," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Jawaabta Muqdisho ayaa waxay u muuqata "tii ugu kululeyd" ee ay Kenya siiso oo ku aadan talaabooyinka dowladda Kenyatta ay cadaadineyso xukuumada federaalka.

Xiisada labada waddan ayaa daaran xuduud dhul badeed, taasi oo bisha September ay dib u bilaabeyso Maxkamadda Cadaaladda Aduunka dhageysiga dacwadiisa.

Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda Kenya, oo sharaxaad ka bixineysa mowqifka dowladeeda ee Somaliland ayaa tilmaamay in ay kaliya difaacanayaan danahooda. [Halkan ka akhriso]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM