Soomaaliya oo shaacisay hiigsigeeda qiimeynta la dirirka musuqa ee 2021

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa hiigsaneysa kuna dedaaleysa sidii sanadka dambe ee 2021 ay isbedel ugu sameyn lahayd sumcadeeda la dagaalanka musuqmaasuqa, sidda uu sheegay Xeer-ilaaliyaha Qaranka.

Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlayey Xeer-ilaaliyaal, Garsooreyaal, Baareyaal iyo Qareeno uu Muqdisho tababar ugu furay ayaa rajeeyay in ugu yaraan hal darajo uu dalka kor uga soo kaco qiimeyntii hore.

Hay'adda Transparency International ayaa warbixinteeda 2019 waxay Soomaaliya gelisay waddanka koowaad ee ugu musuqa badan caalamka.

"Aduunka naguma yaabayo in waddankeena uu musuqmaasuq ka jiro, sababtoo ah dowlad duntay baan nahay, laakiin waxa nagula yaabayo waxay tahay shaqo ma socotaa, isbedel ma jiraa; haddey rabto ha ahaato talaabo yaroo aad u dheereynayn. Haddey talaabo jirto oo shaqo socoto ammaan waa helaysaa," ayuu yiri, isagoo ka qeybgalayaasha ku tartarsiiyey hufnaan shaqo.

Xilli uu meesha ka saarey in warbixinada Hay'adda Transparency ay yihiin kuwa wax-is-dabamarin lagu sameeyay, Dr Sulaymaan ayaa dhinacyada tababarka ka qeybgaleysa ku booriyey in ay ka fogaadaan laaluushka.

Xukunadii ugu dambeeyay ee Maxkamada gobolka Banaadir ku riday mas'uuliyiinta lagu helay xatooyada xoolaha dadweyne ayuu hoosta ka xariiqay in ay sarre u qaadeen sumcada waddanka ee dhanka musuqa.

Mas'uuliyiintaan waxaa lagu eedeeyay in ay lunsadeen lacago loogu talagalay la dagaalanka musiibada dunida aafeysay ee Coronavirus.

"Waxaan rabnaa in Dhamaan Dadka halkan fadhiya ay ku dadaalan Cadaaladda iyadoo cid aanan lagu dulminayn Awooda bahda Cadaaladda. Ma jiro Qof cadaalada ka shaqeeya oo iibsami kara, Xitaa haddii malaayiin dollar la siiyo, haddii ay dhacdana qofkaasi wuxuu banaan joog ka noqonaya xaydaabka Bahdeena cadaaladda," ayuu carabka ku adkeeyay mas'uulka.

Dr Sulaymaan ayaa si aan toos ahayn u soo dhaweeyay hadal kasoo yeeray siyaasiyiin Kenyaan ah kaasoo madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqay in uu dhigiisa Soomaaliya waydiisto taageero la dirirka musuqa ah.

Kenya ayaa kamid ah wadamada caalamka ee mas'uuliyiinta dowladda lagu tuhmayo in ay is-dabamarin ku sameeyeen hantida loogu talagalay xakameynta safmarka Covid-19, balse aysan wali dowladda cid u maxkamadeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM