Soomaaliya oo si weyn looga dabaaldegay Ciidul Fidriga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidul Fidriga ayaa Khamiista maanta ah waxaa si weyn looga dabaaldegay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada dalka ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa Salaada Ciidul Fidriga Madaxtooyada kula Tukaday qeybaha kala duwan Bulshada iyo Goliyaasha Dowlada.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, oo Salaada ciida boqolaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula dukaday Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle, ayaa Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka Hirshabeelle faray inay is caawiyaan loona gurmado dadka ay sameeyeen Fatahaadaha, agoonta iyo dadka liita.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, oo boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin dowladda ah kula tukaday masjidka INJI ee Magaalada Dhuusamareeb, ayaa shacabka ku dhiirrigeliyey in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo xoojinta amniga & midnimada umadda.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa mid kamid ah Masaajida ku yaala caasimada Somaliland ee Hargeysa wuxuu shacabka kula oogay salaada "Ciid Yareyda", isagoo ugu hambaleeyay Ciidda.

Ciiddan ayaa waxay kusoo hagaagtay iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso hubanti la'aan ku saabsan in doorashooyinka ay waqtigooda ugu qabsoomi doonan qaab daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM