Soomaaliya oo taageero u goobeysa dib-u-eegida AMISOM

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay taageero u goobeyso dib-u-eegida joogitaanka ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

AMISOM oo Soomaaliya ka howlgaleysa tan iyo 2007-dii ayaa qorshaha kala guurka ah wuxuu xeerinayaa in ay mas'uuliyadda ammaanka ay dhigooda Soomaaliya ku wareejinayaan dhamaadka sanadkan 2021-ka.

Warbixin dhowaan kasoo baxdey guddiga madaxa-banaan ee qiimeynta Midowga Afrika ayaa lagu soo bandhigay talooyin ku saabsan mustaqbalka AMISOM iyo qaabka ay u shaqeynayaan kadib sanadka 2021-ka.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo si horudhac ah waxay u diidey warbixintaas ayaa ku tilmaamtay mid aan lagala tashan isla markaana meel ka dhac ku ah jiritaanka dalka.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

"Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo taageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Ololaha ku wajahan AMISOM ee Soomaaliya ay bilowdey iyaddoo ku jirta mar-xalad doorasho ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf uu ka dhex-qarxay hogaanka taliska AU-da iyo Soomaalida kaasoo curyaamiyey howlgaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

RW Xamsa: Shidaalka dalka Soomaaliya halis ayuu ku jiraa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah aysan hadda ka dib ahayn hadal kaliya.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:08PM

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM