Soomaaliya oo taageertay qaraar ka careysiiyey Israel

Image

WASHINGTON, USA - Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ayaa todobaadkii lasoo dhaafay waxay meelmariyeen qaraar ka dhan ah Yahuuda iyadda oo Soomaaliya kamid tahay dalalkan taageeray.

Qaraarkaas, oo ayaga oo metalaya ururka Islaamka OIC ay soo gudbiyeen mas'uuliyiinta Falastiin iyo Pakistan, ayaa xeerinaya dhismaha guddi madax-banaan oo baara in Yahuuda dambiyo dagaal geystay.

Baaritaankaas ayaa wuxuu ku qotomaa dhacdooyinka ay duqeymaha kamidka yihiin ee Yahuuda ka geysteen magaalada Gaza iyo dhulka kale ee kamid ah Falastiin mudadii ay dagaalka socdeen 11-ka maalmood.

Sida ay muujineyso natiijada coddeyntan goluhu sameeyay Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay, qaraarkan ka careysiiyey Yahuuda waxaa u coddeeyay 24 xubnood, halka ay ka hor-yimaadeen 9 waddan.

Dowladaha taageeray qaraarka ayaa kala ah; Argentina, Armenia, Bahrain, Bangladesh, Bolivia, Burkina Faso, China, Côte d’Ivoire, Cuba, Eritrea, Gabon, Indonesia, Libya, Mauritania, Mexico, Namibia, Pakistan, Philippines, Russia, Senegal, Somalia, Sudan, Uzbekistan iyo Venezuela.

Wadamada kasoo horjeestay ayaa waxay kala yihiin; Austria, Bulgaria, Cameroon, Czech Republic, Germany, Malawi, Marshall Islands, the United Kingdom iyo Uruguay.

Dalal kale oo lagu waramay in ay ka aamuseen ayaa waxay kala yihiin; The Bahamas, Brazil, Denmark, Fiji, France, India, Italy, Japan, Nepal, Netherlands, Poland, South Korea, Togo iyo Ukraine.

Ma jirin dal ka tirsan qaaradda Yurub oo taageeray qaraarkan oo u muuqda mid xoojinaya dhawaq horey uga soo yeeray Qaramada Midoobay oo ahaa in Israa'iil ay dhulka Falastiin ka geysteen dambiyo dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM