Soomaaliya oo wali liijaanka u haysa musuqmaasuqa caalamka

Image
Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya oo haysta min 13 dhibcood ayaa ka sareeya waddankan dhaca Geeska Afrika.

LONDON, UK - Warbixin caalami ah oo ay soo saartay hay’adda la dagaalanka musuqa ee Transparency International ayaa lagu sheegay in musuqmaasuqa sii kordhaya ee adduunka uu aad sare ugu qaaday xasaradaha ka dhacaya daafadaha adduunka.

"Musuqa waxa uu dunideenan ka dhigay mid aad u halis badan, dowladaha waxa ay si joogto ah ugu guuldaraysteen in ay wax horumar ah ka sameeyaan arrinka," ayay tiri Delia Ferreira Rubio oo ah guddoomiyaha Transparency International.

Rubio oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay intaas kusii dartey: "Waxaana ay tani sare u qaadday rabshadaha iyo iska hor imaadyada, taasi oo halis galisay dadka oo dhan".

Gudoomiyaha ayaa waxa ay intaasi ku dartay in ay tahay in dowladaha ay u adeegaan dadweynaha ee aysan noqon kuwa kaliya u adeega dad yar oo gaar ah.

Hay’adda ayaa sanad kasta soo saarta diiwaanka dalalka iyo kaalmaha ay ka galeen heerka musuqa, iyada oo sanadkani dalka Denmark uu galay kaalinta koowaad, isaga oo haysta 90 dhibcoon (100 dhibcood ayaa ugu sareysa).

Sidda laga soo xigtey warbixinta oo la daabacay Arbacadii shalay, Finland iyo New Zealand ayaa soo raaca Denmark, iyada oo dalal kale oo ay Britain ka mid tahay ay hoos u dhaceen.

Yeman oo haysta 16 dhibcood ayaa dadka cabasho ay ka qabaan musuqa waxaa ka dhashay mudaaharaadyo, taasina waxa ay horseeday in dowladdii oo dhan ay dunto, wax ka badan kala barna ay dadka cunto la’aan noqdaan.

Soomaaliya ayaa kaalinta ugu dambeysa kaga jirta dalalka oo 180 dal ah oo qiimeynta lagu sameeyay, waxayna dalkan dhaca Geeska qaaradda Afrika uu haystaa 12 dhibcoon oo kaliya, waxaana soo raaca Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya oo haysta 13 dhibcood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM