Soomaaliya: Talaabooyinka Kenya waxay kasoo horjeedaan derisnimadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay ka fal-celisay talaabooyinka Kenya ay cadaadiska diblumaasiyadeed ku saareyso Soomaaliya.

Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Muqdisho, ficiladaasi ayaa waxay meel ka dhac ku yihiin damaanada derisnimadda.

Bayaanka ayaa imaanaya xili xukuumada Nairobi ay todobaadkaan ay diiday Baasaboorka diblumaasiga Soomaaliya ayna baaritaano ku sameysay Xawaaladaha Soomaalida ee Nairobi.

Isniintii ayay ahayd markii wasiiro iyo Xildhibaano Soomaaliyeed lagu xayiray garoonka diyaaradaha Nairobi xili sababta loogu sheegay in aysan wadan dal ku galka.

Intaasi waxaa wehlisay in horaantii bishaan ay Kenya joojisay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadda oo qiil ka dhiganeysa "hubin dhanka amniga ah".

"Sidaasi awgeeda, dowlada Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Kenya in ay tixgeliso joojinta ficiladaasi ayna xormeyso xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo dhaqanka diblumaasiyadda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhaqdhaqaaqa Kenya ayaa salka ku haya damac uga jira biyaha Soomaaliya oo horaanta sanadkaan go'aan ay ka soo saari doonto Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ.

Dacwadaasi ayaa ku saabsan muran ay Kenya gelisay biyaha badda Soomaaliyeed oo qayb kamid ah ay sheeganeyso xili wareegii koowaad ay ku guuleystay Soomaaliya.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa tilmaamaya Kenya ay daneynayso in laga laabto dacwadaasi si hoosena loo xaliyo kiiska, balse xukuumada Muqdisho ayaa ku gacan-seyrtay arrintaasi.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM