Soomaaliya: Tirada kiisaska Covid-19 oo gaartay 480, geeridana waa 26

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 44 kiis cusub oo ah Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa wariyeyaasha Muqdisho u sheegtay in 30 kamid ah ay yihiin Lab, 9-ka kalena Dhedig.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, waxaa sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay la diiwaan-geliyey saddex kiis cusub oo dhimasho ah.

Wasiiradda ayaa intaas ku dartay in 40 kamid ah bukaanada cusub ay ku sugan yihiin Muqdisho, 4-ta kelana degaanada maamulka Puntland.

"Tiradda guud ee kiisaska waa 480, wadarta dhimashadana waa 26. Waxaa bogsaday afar, tiradda guud ee caafimaadeyna waa 14," ayay Fowziya tiri kadib markii ay shir jaraa'id ku qabatay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Intii ay ku guda jirtay shirka jaraa'id waxay sheegtay 55% dadka uu xanuunka ku dhacay ay da'doodu u dhaxeyso 20-30-jir; 33% waa 40-50 jir.

"Sidaad u jeedaan, kororka aad buu u sareeyaa, waxaan mar kale ku celin lahayn in dadku xoojiyaan feejignaanta," ayay hadalkeeda raacisay.

Soomaaliya ayaa hogaanka u haysa tirada dhimashadda cudurka Covid-19 ee guud ahaan bariga iyo geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika. Marka guud ahaan qaaradda laga hadlana, waxay ku jirtaa kaalinta sagaalaad.

MUUQAALKA WASIIRADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM