Warqado lagu doondoonayo ajnabiga ugu sareeya Shabaab oo la daadiyey

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Diyaarado aan heybtooda la aqoonsan ayaa lagu waramay in magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay ay ku daadiyeen warqado lagu baadigoobayo Jehad Serwan Mostafa.

Mostafa ayaa ah sarkaal Mareykan ah oo ka tirsan maleeyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab. Warqadaha waxay ku qoran yihiin luuqada Af Soomaaliga.

Warqadaha ayaa lagu balanqaadey in ruuxii keena xog lagu dili karo ama lagu soo qaban karo Mustafa la siin doono aduun lacageed dhan shan bilyan oo Doolar, si lamid ah, dib-u-dejin.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sanadkii hore waxay shaacisay in Mustafa uu yahay ajnabiga ugu awooda badan ee ka barbar dagaala xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay Ameerikaanka haya xilka ugu sareeya kooxdaas. Wuxuu u qaabilsan yahay sameynta qaraxyadda, sidda ku xusan warbixinta.

Dareenka shacabka

Maxamed Eenow, oo kamid ah dadka degaanka, ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in ay cabsi ku abuurtay arrintaan, maadaama aysan horey u arkin.

"Markaan xaqiiqada ka hadlo dadka degaanka aad ayay u walwalsan yihiin. Maadaama degmadda ay go'doon ugu jirto Al-Shabaab qofna kama bixi karo," ayuu hadalkiisu ku daray.

Illo dhanka ammaanka ah ayaa xaqiijiyey in uu jiro tuhun ah in Mustafa uu ku sugan yahay degaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalooyinka gobolka Bay.

Saraakiisha ammaanka ee dowlad goboleedka oo xiriiro kala duwan uu la sameeyay bogga GO ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan kiiskaan.

Mareykanka oo kamida xulafada ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka caawiya baacsiga argagixisada ayaa u muuqanaya in uu sare u qaadey ugaarsiga Mustafa, kaasoo diidey in uu ka tanaasulay xagjirnimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM