Soomaaliya: Wasiirkii 3-aad oo iska iscasilay Hirshabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Wasiirkii saddexaad ayaa iska casilay Xukuumadda uu magacaabay Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare arbacadii lasoo dhaafay, taasi oo wali aan Baarlamaanka ansixin.

Yuusuf Cali Cilmi, Wasiiru dowlahii Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka HirShabeelle ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska-casilay, isagoo sababta ku sheegay in beeshiisa ay saluugtay ama u cuntamii wayday jagadaasi.

Waa wasiiru dowlihii 3aad oo xilka iska casilo. Wasiiru dowlihii Boosatada iyo Isgaarsiinta Ismaaciil Maxamed Culusow iyo Wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga iyo dhaqan-celinta, Muxsin Maxamed ayaa sidan oo kale isku casilay maalmihii lasoo dhaafay. Halkan ka akhri.

Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa horyaalla caqabado badan, oo ay kamid tahay ansixinta Gollahiisa Wasiirada cusub, oo qaar kamid ah Xildhibaanada ay ka horyimaadeen, kadib markii sida ay sheegeen la hareermaray hanaanka awood-qeybisiga.

Warar ayaa sheegay in Baarlamaanka uu ku kala aragti duwan yahay Gollaha Wasiirada, iyadoo kuwa mucaaradka ah ay hadda wadaan ololaha kalsoonida loogu diidayo Xukuumadda uu soo dhisay Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa la doortay bishii September kadib markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii ugu horeeyay ee mamaulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble bishii August, kadib markii howl-gudasho la'aan lagu eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM