Sudan oo isku khaladey sawirada Farmaajo iyo Xasan Sheekh

Image

KHARTUUM, Sudan - Ra'isul Wasaaraha dalka Sudan, Cabdalla Xamduuk, ayaa Isniintii shalay ahayd wuxuu khadka telefoonka kula hadlay qaar kamid ah madaxda dowladdaha geeska qaarada Afrika.

Hogaamiyeyaashaas waxaa kamid ah; madaxweynaha dowladda Djibouti, madaxweynaha dowladda South Sudan, Ra'isul Wasaaraha Ethiopia, iyo madaxweynaha xilka ka degaya ee Soomaaliya.

Intii uu socday shirka khadka telefoonka lagu yeeshay ayey madaxdu ka wada hadashay arimo khuseeya siyaasada isaso tareysa ee gobolka geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan karo amniga guud ee gobolka.

Xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Khartoum ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigtay sawir ay ku muujineyso in RW Hamdok uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya ee mudo-xileedkisu dhamaaday, Maxamed Farmaajo, balse ay sawirkiisa ku khaldeen kan madaxweynihii hore ee dalka, Xassan Sheekh Maxamuud.

Muddo daqiiqado ah kadib, waxaa ay ka saareen gabbi ahaan sawirkii khaladka ahaa ayago aan dib dambe kaso sixin. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa. Mana jirto fahfaahin ay ka bixiyeen.

May be an image of ‎2 people and ‎text that says '‎محمد عبد الله محمد رئيس جمهورية الصومال د.عبدالله حمدوك رئيس مجلس الوزراء‎'‎‎

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin kulanka ay telefoonka kuwada yeesheen Farmaajo iyo Cabdalla Xamduuk. Xiriiro arrintaas lagala sameeyay way ka gaabsadeen in ay ka jawaabaan.

Geeska Afrika ayaa wajahaya doorashooyin xasaasi ah iyo colaado si gaar ah uga jira gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray halkaasoo boqolaal rayid ah ku dhinteen qaar kalana oo badan ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM