Swan oo shaaciyey ka qeybgaleyaasha shirka Afasiyooni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga gaarka ah ee xoghyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa wuxuu sheegay in kulanka looga arrin-sanayo is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2020-21 ay kawada qeybgalayaan siyaasiyiinta Soomaalida.

Isaga oo u waramayey laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa daaha ka rogay in is-araggaas oo ka dhacaya Teendhada Afasiyooni ee ku dhextaala xeyndaabka xerada Xalane uu muhiim u tahay mustaqbalka siyaasadeed ee waddanka.

Swan ayaa si cad wuxuu u xaqiijiyey in Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa oo kaashaneysa saaxiibada kale ee caalamka ay isku-dabarideen kulanka markii hogaanka Soomaalida ku heshiin waayey fadhiga.

"Waxaan tibaaxayaa in aan dooneyno in Soomaalida aan siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga soo daabulayo ergooyinka maamulada dalka, sidoo kale waxaan AMISOM kala shaqeyneynaa xaqiijinta ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladan ay sii socdaan, iyaddoo uu ka dhacayo meel ammaan ah kana qeybgalaan siyaasiyiita Soomaalida," ayuu caddeeyay.

Dhawaqa Swan ayaa si aan toos ahayn wuxuu u caddeynayaan in wadaxaajoodyadda ay kaalin ku leeyihiin mucaaraadka aadka uga soo horjeeda maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo.

Farmaajo ayaa aad uga soo horjeeda in musharaxiinta madaxtinimadda ayaa kaalin ka qeybgal ku yeeshaan kulanka isla markaana wuxuu doonayey in kaliya uu ku koobnaado madaxda dowlada federaalka iyo maamuladda isla markaana kawada hadlaan dhameystirka heshiiskii 17-kii September.

Kulankaan ayaa qorshuhu ahaa in uu bilowday ugu yaraan dhamaadka asbuucii hore ama bartamaha todobaadkan – balse waxaa caqabad ku noqdey talaabooyin ay Villa Soomaaliya qaadey oo ah in ay ku cadaadisan madaxda taabacsan in aysan aqoonsan wadaxaajoodyada isha lagu wada hayo.

Dhanka kale, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in Midowga Musharaxiinta shirka u dirsan doonan ka qeybgaleyaal tiro kooban. Hasa ahaatee, warsidaha Garowe Online wuxuusan wali xaqiijin tirro la isla dhexmarayo oo musharaxiinta ku metelaya kulanka oo ah laba xubnood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM